Tacsi Loo Dirayo Reer Cilmi Gurey

Filed under: Wararka oo Dhan,Warka Deegaanka |

tacsiWaxaa halkan tacsi loo marinayaa dhammaan eheladii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay Allaha u naxariistee marxuum Cilmí Gurey Isaaq oo maalinkii shalay ahayd tii Rabbi ku timid.
Waxaa marxuumka Alle looga baryayaa inuu jannadii Fardowsa ka waraabiyo, intii uu ka tagay oo qoyskiisa iyo asxaabtiisu ugu horreeyaanna samir iyo iimaan uu Alle ka siiyo.
Marxuumka ayaa lagu xasuustaa inuu howlo kala duwan oo qaran kasoo qabtay meelo kala duwan ee ka tirsan gayiga Soomaaliyeed. Waxaa sidoo kale lagu xasuustaa inuu ahaa nin sama fal badan. wuxuu sidoo kale ku tilmaannaa nin jecel sugaanta Soomaalida, gaar ahaan gabayada, intooda samaha ka hadla, iyadoo intaa ay u dheerayd inuu isaga laftiisu ahaa hal-abuur walow uu arrimo Alla ka cabsi la xidhiidha uu ka dhowrsan jiray inuu isagu tiriyo gabayo si uu uga fogaado innaba waxuun dambi ka soo gaadha.

Allaha u naxariito Cilmi Isaaq, qabrigana Allahá u waasiciyo.
Bahda faallo.com