Daawo: ONLF oo Shir Jaaraa’id Ku Qabatay Nairobi

Filed under: Wararka oo Dhan,Warka Deegaanka |

ONLFJabhadda ONLF ee ka dagaallanta Itoobiya ayaa shir jaraa’id ku qabatay magaacalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya. War saxaafadeedkan oo ay si wada jir ah u qabteen xubno sar sare ee ka mid ah ONLF kuwooda u jooga Geeska Afrika ayaa ujeeddadiisu ahayd inay jabhaddu ku caddayso mawqifkeeda ku aaddan heshiiskii dhawaantan ka dhacay magaalada Dameerjoog ee dalka Jabuuti, kaasoo qalinka ay ku duugeen Jabuuti, Itoobiya iyo shirkad ka socota dalka Shiinaha oo waayahanba ka howl galaysay aagga Jeexdin ee Qoraxay sidii shidaalka gaaska dabiiciga ah ee Ogaden loo marin lahaa dhuumo qaada, dhuumahaas oo sida heshiishkani dhigayo gaynaya shidaalkan Dameejoog, halkaas oo kaddib laga dhoofin doono isla Jabuuti, iyadoo loo iib gaynayo suuqyada caalamka.

Haddaba jabhadda warsaxaafadeedkeedii ka daawo halkan hoose: