Cunoqabatayntii Biyaha oo Oromada Gaadhay!

Filed under: Wararka oo Dhan,Warka Deegaanka |

Oromia_water_shortageSida aad ka dharagsantihiinba waxaa shacabka Deegaanka Soomaalida dhibaatooyinka haysta ka mid ah cuno qabatayn dhan walba ah; tusaale ahaanna waxaa Deegaanka baahida ugu daran ee haysata ka mid ah biyo la’aan oo xataa caasimadda Jigjiga nolol-maalmeedka bulshada cidhiidhi galisa.

Halkan ka eeg sawiro iyo qoraallo aan hadda ka hor ka soo qaadnay arrimahaas: http://www.faallo.com/2014/11/18/haddii-caasimaddii-sidan-tahay-mee-horumarkii-lagu-wardinayay/

iyo http://www.faallo.com/2013/03/11/dambal-shiniile-zone-oo-biyo-laaan-shacabkii-u-dhibaataysanyihiin/

Haddaba Deegaanka Oromada oo bilihii lasoo dhaafay ay ka soconayeen muddaaharaadyo lagaga soo horjeedo xukuumadda ay Tigreegu hoggaamiyaan ayaa waxaa marba marka ka dambaysa soo if baxayay tabcooyin ay ku kacayaan gacanyarayaasha xukuumadda ee la tacaalaya kacdoonka Oromada.

Kooxda maamusha Deegaanka Oromada ayaa lagu eedeeyay inay xidheen qasabadihii (tuubbooyinkii) biyaha ee shacabka Oromadu ka cabbi jireen. Taasoo keentay inay shacabku safarro iyo safaf dheer u galaan biyo dhaamis.

Oromia_water_shortageArrinkan ayaa loola dan lahaa in lagu mashquuliyo shacabka kasdoonka wada hase yeeshee waxaa taas baddalkeedii ay dhashay cadho iyo sii laba kaclayn kacdoon ee Deegaanka Oromada.

Mustaqbalka shacbiyada kala duwan ee ku hoos nool maamulka Itoobiya ayaa la sheegayaa inay masiirkoodu ku xidhantahay kolba sida natiijada kacdoonka Itoobiya uu ku dambeeyo.