Raaligalintii Xaylemaryam oo lagu gacan saydhay

Filed under: Wararka oo Dhan,Warka Deegaanka |

hailemariamSida ay qortay wakaaladda wararka ee BBC raysalwasaaraha Itoobiya, Hailemariam Dessalegn ayaa ku dhawaaqay inuu raali galin ka bixinayo dhikii soo gaadhay dadwaynaha Oromada ah ee kacdoonka ka waday Deeganka Oromada.

Halkan ka eeg warkaas hore: http://www.bbc.com/news/world-africa-35773888

Warkan oo uu Xaylemaryam ka sheegay mar uu hortagay golaha Baarlamaanka ayaa ku tusinaya sida ay Itoobiya uga walaacsantahay kani-adaygga Oromada ee la loocin waayay, kuwaas si isdabajoog ah u wada kacdoonkooda inkastoo dil, dhaawac iyo xadhig badanba loo gaystay.

Haddaba Oromada kacdoonka wada ayaa ku gacan saydhay hadalka Xaylamaryam oo ay ku eedeeyeen inuusan daacad ka ahayn “raalligalinta” uu bixiyay, maaddaamaa uu isla hadalkiisaas ku eedeeyay isla dadka uu leeyahay waan raalligalinayaa inay yihiin “nabad-diid” iyo “qas-wadayaal”.

Oromada ayaa sheegay┬áin ay raalli galinta ka hor dalbanayaan in oodda laga qaado kumaanka kun ee Oromada ah ee xabsiyada Itoobiya la buux dhaafiyay, sidoo kale magdhow laga bixiyo dadkii xukuumaddu xaqdarrada ku dishay. Arrimahan iyo shuruudo kale ayay ku xidheen in ay xukluumaddu ku dhaqaaqdo inta aysan aqbalin “raalli-galinta” Xaylamaryam.

Bahda Faallo.com