Cabdi Iley Muxuu Ka Qaadi Karaa Reer Shiniile iyo Liibaan?

Filed under: Faallo,Wararka oo Dhan,Warka Deegaanka |

Faallo.com (Addis Ababa): 22-03-2016

iley_abraha_woldemariam

Ina Iley iyo Badroonigiisa Abraha

Cabdi M Cumar, oo markaad is tidhaahdo eegga sidii hore wuu kasoo yara roonaanayaa, ayaan wali ka korin ciyaal suuqnimadii iyo aflagaaddadii looga bartay.

Waxaad wada ogtihiin inuu dhawaan magacaabay dagmooyin illaa 25 gaadhaya oo illaa iyo haatan ujeedkooda dhabta ah aan la garanayn, marka laga reebo Eex, qabyaalad iyo in lagu jahawareeriyo shacabka Deegaanka Soomaalida ah.

Haddaba Cabdi Iley ayaa durba billaabay inuu isagoo adeegsanaya nacamlayaashiisa sida daasadaha madhan u jabaq celiya kolba wixii aflagaaddo ah ee isagu uu faro ama ku hadaaqo, ayaa billaabay durba inuu ereyo cay iyo aflagaaddo isugu jira hawada u mariyo qabiilo ka mid ah Soomaalida Deegaanka.

Eedda uu ka tirsanayo ayaa ah inayna u nacamlayn oo borobagaandho iyo dacaayad uga samayn qurbaha.

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah:

Cabdi Ileyow maxaad ka qaadi kartaa Reer Shiniile iyo Reer Liibaan? Illeen iyaga qandaraas kagama aadan qaadan Abaraha Woldemariam. Waxaad Qandaraas ku qaadatay inaad Qolada aad kasoo jeeddo oo lagu eedeeyo inay shaqsiyaad ka mid ah ONLF ku jiraan layntooda iyo cidhiidhi galintooda.

Haddaad laynta reerkaaga ku xalaalaysatay “waa nabad diid”, maxaad ku xalaalysan dhibaataynta kuwa reerahoodu aysan ku jirin “nabad-diidka”?

Waxaa fiican, illeen waxba kama qaadi kartide inaad aayar aadan aflagaaddada iska beerdarayn.

Bahda Faallo.com