Yuhuudda oo Joojisay Itoobiyaankii La Daadgurayn Jiray (Falaashada)

Filed under: Wararka oo Dhan |

Xukuumadda Israa’iil ayaa ku dhawaaqday inay joojisay Axmaaradii laga daadgurayn jiray Itoobiya kuwaasoo dib-u-dajin loogu samayn jiray Israaiil.

Yuhuudda ayaa laga soo billaabo dhammaadkii 80-dii &¬†90-dii illaa iyo dhawaanahan wadday qorshe ay ku daabbulayso dadka Xabashida ah ee ku abtirsada Yuhuudda, kuwaas oo loo yaqaanno “Falaasha”.

Hase yeeshee go’aankan ayaan imaanaya iyadoo Xabashida u qaxday Israa’iil ay sannadihii u dambeeyay ka cabanayeen midab-takoor lagu hayo dadka Xabashida ah, midab takoorkaas oo ay ka sheeganayaan inay ku hayaan yuhuudda awoodda maamulka¬†gacanta ku haysa ee loo yaqaanno Ashkhanaaziyiinta.

Midabtakoorkan ayay sheegeen inuu jiro inkastoo ay isku dayeen inay dhexgalaan bulshada Yuhuudda, oo ay xataa Xabashidu ka qayb qaadatay dagaallada u dhaxeeya Yuhuuda iyo Carabta.

Arrinkan ayaa sidoo kale kusoo beegmay iyadoo shalay uun ay Yuhuuddu ku dhawaaqday inay dalka Yaman ka daad-guraysay dad Yamaniyiin ah oo ku abtirsada Yuhuudda.

Tani waxay caddaynaysaa inaysan Yuhuuddu ka maarmin istaraatiijiyaddii ay kalahayd inay daadgurayso Yuhuudda dalalka kale ku dhaqan, balse ay ka noqdeen daadgurayntii Xabashida wax ku kallifayba.

Waxaa xusid mudan inay shakiga Xabashida iyo Yuhuudda la daadgureeyay uu san ahayn wax cusub balse uu soo jiitamayay muddo, iyadoo horay ay Xabashidu Yuhuudda ugu eedeeyeen inay irbadda madhalaysnimada ku mudeen haween tiro badan oo Xabashi “Falaasha” ah.