Waa in Gargaar Ku Habboon Lala Gaadhaa Dadka Fatahaaddu Saamaysay!

Filed under: Faallo,Wararka oo Dhan,Warka Deegaanka |

Faallo.com (Addis Ababa): 2016-04-09

Waxaa maalmo ka hor Xarunta Deegaanka ee Magaalada Jigjiga ku habsatay masiibo saamayn wayn ku yeelatay shacabka magaalada iyo hareeraheeda daggan, gaar ahaan dadka danyarta ah.

Waxaa magaalada asqeeyay daad aad ugu fatahay kaas oo roobka sababay badankiisu ay ka da een meelo ka baxsan magaalada bannaankeeda, iyadoo roobka gudaha ka da ay uu yaraa marka loo eego awoodda roobabka ku hooray bannaanka Jigjiga.

Mucaawanadii USAID ee Cabdi Iley Sheegtay!

Mucaawanadii USAID ee Cabdi Iley Sheegtay!

Haddaba fatahaaddan oo nooceeda aan taariikhda dhow ee Deegaanka soo marin ayaa sababay dhimashada shacab aad u tiro badan oo aan wali si rasmi ah loo hayn tirada dhabta ah ee geerida maaddaama ay jiraan dad wali la la yahay iyo kuwo kale.

Sidoo kale waxaa ku baaba ay fatahaaddan hanti u badan guryo iyo wixii yaallay oo ay lahaayeen shacab danyar ah.

Maamulka Deegaanka ayaa isagu sidii looga bartay ku mashquulsanaa inuu xaflado dhigo iyo tumasho looga danleeyahay in lagu jaha wareeriyo shacabka Deegaanka, iyagoo waliiba xafladahaas oo lagu sheegay in lagu waynaynayo waxa loogu yeedhay “degmooyin” cusub lagu raafay dad badan oo ganacsato iyo shacab kale ah si ay uga qayb galaan xadladahaas.

Maamulka Deegaanka ayaa ku fashilmay inay magaaladii caasimadda ahayd ee Jigjiga ku guuldarraystaan inay u dhisaan waddooyin iyo difaac ka moosa daadadka ku soo fatihi kara mar walba magaalada oo iyadu ku taalla meel god ah, iyadoo dhinacyada qaar ay magaalada ka xigaan buuro. Arrinkan ayaa shaki galinaya sheegashadii uu Cabdi Iley sheeganayay inuu isagu ahaa awooddii ka dambaysay dhismaha biyoxidheenka Wabiga Shabeelle, kaas oon ognahay inay ka dambayso dawladda dhexe ee Itoobiya oo iyadu waligeedba mashruucaas ay soo wadeen xukumadihii iska kala dambeeyay. Nacam hadduu Cabdi Iley awood iyo garasho uu biyo xidheen kaga dhiso Wabiga Shabeelle leeyahay, wuxuu Jigjiga ka difaaci lahaa daadka.

Cabdi Iley iyo kooxdiisa oo looga bartay inay yihiin dad ka fog dhaqanka dadka aaminsan Alle, ayaa markay arkeen sida ay u fashilanyihiin ku marmarsooday inay waxa dhacay tahay “masiibo rabbaani ah”. Haddii ay ka dhab tahay inay qaddarka Alle aamineen, ma aaminayaa sidoo kale inay masiibadan rabbaaniga ah jawaab u tahay dambiga ay galeen, oo sidaas darteed ma toobad keenayaan?

Sidoo kale xukuumaddu waxay ku guul darraysatay inay gurmad dag dag ah u fidiso dadka fatahaaddu qarqisay, iyadoo shaqsiyaadka geeriyooday qaar ka mid ah ay biyuhu qaadeen kaddib markii ay damceen inay iyagu badbaadiyaan carruur ay fatahaaddu la tagtay.

Waxay qabtaan iska dhaafe, waxaa dhacday in habaynimadii mashaqadu dhacday dad badan oo shacab iskii isu xilqaamay ah laga horjoogsaday inay u gurmadaan dadka dhibaatadu ku habsatay iyadoo Boolis-ku sheegga u dhaqma sida maafiyada ay handadaad u gaysteen dad badan oo gurmad ku tagi lahaa meelaha ugu daran ee daadadku ku dhufteen, sida xaafadaha Jaraaqato iyo Aayar-daga.

Inta shacabku ay tacsida ku jireen maalmihii lasoo dhaafay waxay kuwo badan oo ka mid ah maamulka Jigjiga wali ku jireen xaflado iyo tamashlayn, si guud iyo si gaar gaar ah intaba.

Shalay jimcihii ayaa amar ka soo baxay xafiiska xukuumadda Federaalka ee lagu magacaabo ka hor tagga masiibooyinka ay xubno ka tirsan xafiiskan qaybtiisa heer Deegaan fureen bakhaarada heer Deegaan ee xafiiskan, iyadoo laga soo saaray waxoogaa qamadi ah oo ay ku deeqday USAID, iyo waxoogaa bustayaal aan tayo saas ah lahayn oo ay musuqmaasuqday shirkad laga leeyahay Gobolka Tigree.

Waxaase halkaasi ceeb iyo fadeexad ka raacday Cabdi Iley oo isgu wax walba oo ka dhaca Deegaanka oo is leeyahay magac baad ku helaysaa sheegta! Kuye anigaa gargaar la gaadhay dadka tabaalaysan? Akhristayaal maxaad uga jeeddaan sawirkan laga soo qaaday shacabka tabaaloobay? Ma USAID, mise Cabdi Iley?

Mucaawanadii USAID ee Cabdi Iley Sheegtay!

Mucaawanadii USAID ee Cabdi Iley Sheegtay!

Gunaanad iyo gabagabo annagoo og waxaas oo dhalliilo aan soo sheegnay inay jiraan ayaan si aan xujada ugu oogno faraynaa kooxda Cabdi Iley inay wali sixi karaan wixii ay ama si ula kac ah ha ahaato ama si caqli gaabni ah ha ahaatee ay gafeen. Waa inaad gafkiinna ku baddashaan wanaag, wanaaggaas oo ah inaad lacagaha aad ku kharash garaynaysaan maalaayacniga inaad qayb ka mid ah u leexisaan gacan qabashada shacabka aad sheegataan inaad masuulka ka tihiin.

Waxaan si gaar ah ugu baaqaynaa shacabka Deegaanka intooda awoodda dal iyo dibadba inay u istaagaan kaalmaynta dadka ay daadka fatahay halakeeyeen.

Bahda Faallo.com